Wararka
khasaare ka dhashay shil gaari oo ka dhacay wada isku xirta Nairobi iyo Garissa.
Inta la xaqiijiyey 10 qof ayaa ku geeryootay kadib markii Bus lagu magacaabo nasiib uu shil ku galay wadada Xiriirisa Garissa iyo Nairobi ee dalkaasi Kenya.
Bus-ka oo ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa ku wajahnaa ismaamulka Wajer ee waqooyiga dalka Kenya.
Inkasta oo xilli habeen ah ay aheed qasaarahana aan si dhab aha loo ogaan Karin ayaa hadane waxaa socda gurmadyada loo fidinayo rakaabka ku dhaawacmay shilkan.
Shilka ayaa yimid kadib markii Bus-kaan uu ku dhacay gaari Xamuul ah oo wado wadaag ay ahaayeen waxana uu ka dhacay wadada lagu magacabo mwingi road ee u dhow magalada Garisa ee xarunta ismaamulka Garissa county.
Taliyaha Booliska ee waqooyiga Tana, Tom Okoth ayaa sheegay in darawalka buska ay ka qaldantay wadada waxana baska uu waday in ka badan 60 rakaab.
Shilkan ka dhacay wadada xariirisa Narobi iyo Garisa ayaa ka dhalatay saamayn culus Sida laga soo xigtay war ka soo baxay ha’adda Laan Qayrta Cas ee Kenya ilaa iyo 14 rakaab ah ayaa loo qaaday Isbitaalka Guud ee magalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari dalka Kenya halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.