Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo kormeeray taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedreaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa  kormeer ku sameeyey  taliska Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga dowlada fadaralka Soomaliya waxana sidoo kale uu booqday  xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliiska Soomaaliyed ay dhawaan hir galiyeen.

Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka Booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay Booliiska wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha Booliiska in wada-shaqaynta Booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga dalka, nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

Magalada muqdisho iyo dhaman gobolada ayaa dhowaan laga xusi doonaa maalinta 15 ka may oo ku aadan  maalinta dhalinyarada soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close