Wararka

Maxkamaddda darajada 1-aad ee G/Nugaal oo maanta dil toogasho ku xukuntay 3-ka  mida ragii loo heystay dilkii iyo kufsigii loo geystay Caaisha Ilyaas.

Ku dhawaad 4-bilood oo ay cadaalad sugeyeen qoyska marxuum Caaisha Ilyaas Aadan ayay maanta maxkamadda darajada 1-aad ee ee gobolka Nugaal go’aan ka soo saartay kiiska marxuum Caaisha Ilyaas.

10-qofood oo eedeysanayaal  ah ayaa mar kale ka soo muuqday maxkamadda  kuwaas oo loo heystay dil iyo kufsi magaalada Gaalkacyo loogu geystay  marxuum Caaisha Ilyaas oo 12-sano jir aheyd.

Maxkamaddda darajada 1-aad ee G/Nugaal ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay 3-ka  mida ragii loo heystay dilkii iyo kufsigii loo geystay Caaisha Ilyaas iyadoo 7-ka mida ragaas ay maxkamaddu amartay in si deg deg ah loo sii daayo sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee G/Nugaal Sheikh C/Nuur Jaamac Xuseen.

Tan iyo markii waqooyiga magaalada Gaalkacyo dil iyo kufsi loogu geystay marxuum Caaisha Ilyaas ayay qoyska marxuumadda dalbanayeen sidii ay ku heli cadaalada iyadoo ugu danbeyna ay maanta ay maxkamadda darajada 1-aad G.Nugaal gaaray go’aankii ugu danbeeyay ee kiiska marxuum caaisha ilyaas.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close