Wararka
Madaxii ciidamada isku dhafka ee maamulada Puntland iyo Galmudug oo dhaawac soo gaaray u geeriyooyaday.
Madaxii ciidamada isku dhafka ahaa ee magalada Galkacyo ee gobolka Mudug G/dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa u geryooday Dhaawac ay u geysteen kooxo Hubeysan oo aan Haybtooda la garanayn.
Gaashaanlaha Ayaa Dabley hubaysani waxa ay ku toogteen xili uu ka soo baxay salaada taraawiixda ah magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxana loola cararay cisbitaalka guud ee Galkacyo halkaas oo uu ku geeryooday.
Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa howl galo ay ku raadinayaan ragi ka dembeeyey dilka waxa ay ka sameeyeen xaafadaha magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoona gacanta ku soo dhigay rag ay ku eedeeynayaan in ay ka dembeyen dilka.
Ciidanka xasilinta gobolka Mudug ayaa waxa si weyn looga amaanay xiliyadii udambeyay xasilinta Magaalada Gaalkayo tan iyo markii la magacaabey ciidamadan isku dhafka ah ee maamulada Puntland iyo Galmudug.
Gaashaanle dhaxe Khaliif Nuur Shiil ayaa hogaaamiye u ahaa ciidamada isku dhafka ah ee Galmudug iyo Puntland waxana soo laablaabtay colaado ka dhacay degano ka tirsan gobolka Mudug waxana ciidamadan ay ka kala tiryihiin maamulada Puntland iyo Galmudug.