Wararka

31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday oo maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ee dalka.

31,500 ardey ayaa maanta u fariisatay imtixaanka mideysan ee qaranka ee ay qaadeyso wasaaradda waxbarasahada iyo hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda faderaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed khaddar ayaana daahfuray imtixaanka mideysan ee qaranka oo ay sanad waliba u fariistaan ardeyda dugsiyada sare ee dalka.
masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada aya ku wehlinayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka furitaanka imtixaanka shahaadiga ee qaran.

Wasiir dowlaha wasaaradda waxbarasahada xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Jaabiri ayaa sheegay in sanadkan uu imtixaanka ka duwan yahay sanadihii hore waxaa kala oo uu sheegay in aan la ogolaan doonin In Arday mobile ku dhex  isticmaalo goobta imtixaanka, isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khaddar oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Sare ayaa wasaaradda waxbarasahada uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay diyaarinta imtixaanka mideysan ee qaranka.

71-goobood  ayaa lagu galayaa imtixaanka ay qaadeyso wasaaradda waxbarasahada iyadoo 34-ka mida goobahaas ay ku yaallan qaar kamida dowlad goboleedyada.Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people smiling, indoorImage may contain: 6 peopleImage may contain: 2 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close