Wararka
qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada oo iskaaga soo tagay shirkii ugu socday Garowe.
Shirkii wada-tashiga dowlada Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada oo 6-maalmood qaatay ayaa ugu danbeyn ay ku kala tageen madaxdii faderaalka iyo kuwa dowladgoboleedyada iyada oo aysan wax natiijo ah ka soo bixin.
5-tii bishan May ayuu soo bilowday shirka oo uu gogoshiisu dhigay madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.
Qodobo badan oo si hor dhac shirka looga helayey ayaa so if baxay ka dib markii lagu kala tagay shirka.
Qodobo ay ka mid ahaayeen sharciga dooroshooyinka,batroolka, arrimaha galmudug ,maqaamka magaalada Muqdisho iyo qodobo kale ayaa shirka la isku mari waaye.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa isaga baxay shirka iyaga oo ka soo duulay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa dowlada faderaalka ku eedeeyay in aysan waxba ka soo bixin shirkii garoowe balse uu rajo wanaagsan ka muujiyay In fadhiyo kale la isugu imaan doono.
Isla dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) aya dib ugu laabtay magaalada Kismaayo isaga oo isaga soo tagay shirka wadatashiga ee ka soconayay Garoowe.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda dowlada faderaalka Soomaaliya ee ku aadan shirkii ka soconayay Garoowe.