Wararka
Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka qeyb galay Shirka Ururka ISESCO.
Wasiirka Waxbarashada Hiddaha Iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdullahi Goodax Barre ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay Shirka Ururka ISESCO oo Lagu soo dooranaayay Gudoomiyaha Cusub ee Uruka ISESCO.
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre waxaa safarka ku wehlinayay Lataliyaha Wasaarada waxbarashada Carabow Ibrahim Nuur iyo U qeybsanaha Waxbarashada Ee Dalka Sacuudiga Abdallatif Hussein Mohamed.
Kullanka ayaa inta uu socday waxaa Lagu soo doortay Dr. Saalim Mohamed Maalik oo noqday gudoomiyaha cusub ee ISESCO kaas oo badalay Dr. Abdi Azizi Osman Al tuweejari.
Dr. Azizi ayaa xilka Guduumiya nimada Soo qabtay laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo hada oo doorashada dhacday looga guuleystay.Dr. Saalim Mohamed Maalik ayaa u dhashay Dalka sacuudiga oo shirkaan Marti galinaya.