Wararka

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir gudoominayey Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Somaliland.

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shir gudoominayey Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Somaliland waxaana Lagaga dooday Siyaasadda dhulka, iyadoo loo qaybiyay Nuqullada Siyaasadda Ganacsatada Dhexe Iyo Ganacsatada Yar Yar.

Madaxweynaha waxaa kullanka ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.

Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqullada siyaasadda ganacsatada dhexe iyo ganacsatada yar yar, siyaasadaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku, iyadoo goluhuna kal-fadhiyada danbe ku soo celin doonaan golaha.

Ugu danbayntiina waxa golaha warbixin ka horjeediyey wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo ku dheeraaday hawlaha shaqo iyo horumarka wasaaradda isagoo golaha u soo bandhigay qorshayaashii u hirgalay.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close