Ciyaaraha
Maxaa laga bartay xasuuqii Barcelona kala kulantay Liverpool.
Kooxda Liverpool ayaa xasuuq weyn kula kacday kooxda Barcelona kulan ka dhacay Anfied kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee semi-finalka tartanka Champions league.
Goolal ay dhaliyeen xidigaha Divock Origin oo 2-gool dhaliyay iyo Georginio Wijnaldum oo 2-gool dhaliyay ayaa Liverpool kaga filnaatay ineey gaaraan finalka tartanka UEFA CHAMPIONS LEAGUE.
Hadaba waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa xogtii laga diiwaan galiyay kulankii ay Liverpool xasuuqday kooxda Barcelona.
1-Divock Origin ayaa dhaliyay goolkiisi ugu horeeyay ee champions league isaga oo noqday xidigii 50-aad ee Liverpool gool u dhaliya tartanka champions league marka lagu daro goolasha la iska dhaliyo.
2-labada gool ee uu Georginio Wijnaldum ka dhaliyay champions league ayuu dhaliyay wareega semi-finalka tartanka champions league.
3-Georginio Wijnaldum ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee badal ku soo gala waliba 2-gool ka dhaliya tartanka champions league tan ilaa Ryan Babel oo sidaas sameeyay 2017 kulan uu ka dhaliyay Besiktas , Georginio Wijnaldum ayaa sidoo kale Noqday xidigii ugu horeeyay ee kaydka ah ee 2gool ka dhaliya Barcelona.
4-Trent Alexander-Arnold ayaa sameeyay caawinta ugu badan ee tartanka champions league ee kooxda Liverpool xili ciyaareedkan.
5-kooxda Liverpool ayaa gaartay finalkeedii 9-aad ee tartanka champions league kaliya waxaa ka saramaray kooxaha Real Madrid oo 16 jeer ah, Milan oo 11 jeer ah iyo Bayern oo 10 jeer ah.
6-Liverpool ayaa noqotay kooxdii labaad ee England ah ee gaartay laba final oo xiriir ah champions league kadib naadiga Man United oo sidaas sameeysay 2008/2009.
7-kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii 5-aad ee Barcelona guuldaro kala kulanta lugta hore laakiin wareega xiga u gudubta tartanka champions league.