Wararka
Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya oo ka hadashay Askari saakay dil u gaystay wade moota bajaajle.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka hadashay askari saaka Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj, xili uu ka gudbaayay bar Kontorool oo Ciidamada amaanka ay ku lahaayeen nawaaxiga Isgoyska Tirabuunka.
Jenaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay in Ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen askariga dilay wiilkii wade bajaajlaha ahaa, sidoo kalena dhaawacay qof kale oo Shacab ah, sharcigana la horgeyn doono gacan ku dhiiglaha.
“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka” ayey tiri Taliye Zakiya.