Wararka
Wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD oo maanta shir ku leh Koonfurta Suudaan.
Wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD ayaa maanta Magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan ku yeelanaayo shirkoodii 67-aad waxaana looga hadlaayaa arrimo ay ka mid yihiin dhameys tirka heshiiskii Dhinacyada Koofurta Sudan ay gaareen.
Wasiirada ayaa cadaadis ku saarayo kooxaha isku haayo Koofurta Sudan sidii ay u fulin lahayeen waxyabihii hore loogu heshiiyay waxaana ay balan qaadeen inay fulin doonaan dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay kol hore.
Soomaaliya Shirkaas waxaa uga qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada XFS Cabdulkadir Ahmed khayr iyo wafdi u hogaminayo sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaas.
Shirkaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Jubba ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed qeexaya waxyaabihii laga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay.