Wararka
(AKHRISO):doorashada Koonfur Afrika oo maanta bilaabatay.
Inkabadan 26 million oo rux ayaa loo diwaan galiyay in ay codeeyaan Dalka Koonfur Afrika, 55% dadkaas waa dumar, 48 xisbi ayaana ku loolamaaya doorashada koonfur Africa, xarumaha lagu codeynaayo ayaa waxay gaarayaaan 28,757, tirade dadka doorashada koonfur Africa ka shaqaynaayo ayaa ah 220,000 ruux hase yeeshee waxaan codkooda dhiiban doonin 6 million oo dadka da’yarta ah.
Arrimo ugu waaweyn ee doorashada ka dhacayso Koonfur Afrika ayaa ah Wax ka badalka Dhibaatada ka jirta musuqmaasuqa, dhaqaalaha isbeddelaya, dhaca iyo dilka joogtada ah ee loo gaysanaayo dadka ajanabiga ah iyo dib-u-habaynta dhulka .
Doorashadaan waxaa ku loolamaayo xisbiyo badan waxaana kamid ah xisboga Golaha Qaranka ee Afrika (ANC), kaas oo hogaaminaayay dagaalkii kadhanka ahaa caddanka iyo faquuqa dadka madow Waxa uuna wadanka xukumaayay Xisbiga ANC tan iyo sanadkii 1994-kii hase yeeshee, xisbigaan ayaa wajahayo caddaadis badan oo kaga imaanaayo dhanka xisbiyada mucaaradka ah waxaa uuna lumiyay taaageero badan sababtuna waa in ay wali taagantahay sinnaan la’aanta.
Labada xisbi ee kala ah Xisbiga Dimuqraadiyad (DA) iyo xisbiga dagaalyahannada xoriyadda dhaqaalaha (EFF) ayaa ah kuwa caqabada ugu weyn ku ah xisbiga talada haatan haaye ee ANC.
Laga soo bilaabo sanadkii 1948-dii ilaa 1994, waxaa tagneed halgankii loogu jiray in dadka caddaanka ah ee ku sugan dalka Koonfurta Afrika laga saaro dalkaas balse wali laguma guulaysan oo caddaanka dalkaas ayaa wali leh dhulka ugu badan Koonfur Afrika.
Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Koonfur Afrika ee loo soo gaabiyo DA ayaa sheegay in aysan rumaysneen in xalka dib u habeynta dhulleed uu san ku jirin in “ruux dhul laga qaado lasiiyo ruux kale” badalkeedana ay mudnaanta siin doonaan in ay sii daayaan dhulka dowlada oo aan laisticmaalin.
Arrimaha kala ee musharaxiinta doorashooyinka ku ololeeynayaan waxaa ka mid ah wax kaqabashada adeegyada aasaasiga ah ee dadka saboolka ah sida biyaha, guryaha, korontada iyo iska hor imaatinka ka dhasha dambiyada sida dhaca,kufsiga iyo jinsi naceebka.