Ciyaaraha

Man City oo Man United ka caawineeyso usoo bixitaanka champions league.

Kooxda Man United ayaa soo qaadatay dhoor bilood oo aad u adag dhamaadkii xili ciyaareedkan iyaga oo guuldaro kala kulmay Barcelona tartanka champions league.

Inkasta oo uu Ole Gunnar Solskjaer dar-dar ku bilowday hadana United ayaan ka qayb qali doonin tartanka champions league xili ciyaareedka dambe kadib markii ay ka hadheen 4-ta kooxood ee ugu saraysa horyaalka premier league. mayay man united u soo bixi kartaa champions league xili ciyaareedka dambe hadii ay ku dhamaysato kaalinta5-aad?

Kooxda-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier league ku dhamaysta ayaa lagu abaal marin jiray boos champions league xili ciyaareedka xiga ah soo if baxa kooxaha Man city iyo Tottenham ee 10-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa keenay dhibaato iyo waliba tartan adag oo loo galo u soo bixitaanka tartanka champions league kooxaha Arsenal , Chelsea iyo Man United ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka qayb qaatay tartanka Europa league iyaga oo ku dhamaystay kaalmaha5-aad iyo 6-aad laakiin arintaas ayaa is badali karta xili ciyaareedkan xili ay Man City si wal-wal ku jiro u sugayso in ay ogaadeen in laga ganaaxo tartanka champions league xili ciyaareedka dambe.

Kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium ayaa lagu wadaa baadhitaan loogu soo eedeeyay in ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga FIFA.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close