Wararka
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda Ee Dalka Masar.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Somaliland.
Kullanka ay mas’uuliyiinta yeesheen ayaa waxaa looga hadlay adkaynta xidhiidhka Soomaaliland iyo dowlada Masar arrimaha ganacsiga, xoolaha, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliland.
Madaxweynaha waxaa kullankaan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar waxaa isna kullanka ku wehelinaayey safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif.
Warsaxaafadeed-ka ayaa lagu sheegay in weftigu uu ku sugnaan doonaana magaalada Hargaysa maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.