Wararka
Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo shir guddoomiyey kullan Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale .
Kullanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay iyo Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.
Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024.