Wararka

Wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta oo tababar u soo xirtay in ka badan 50-kormeere.

Wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xirtay in ka badan 50-kormeere oo labarayay ilaalinta waqtiga kormeerka feejignaanta lasoco-shada imtixaanka iyo mas’uuliyadda ka saaran ardayga.

Waxaa tababarkaan bixinaayay macalimiin qibrad u leh aqoonta sharciga imtixaanaadka Dugsiyada iyo mas’uuliyada kormeerayaasha ka saran dhowrida  xaquuqda ardayda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Yuusuf ayaa dardaaran siiyay kormeerayaasha, qeybaha ilaalinaya qishka ardayda iyo dad sigaar ah ula socon doona habka loo qaadayo imtixaanka Qaranka 2018/2019 kaas oo maanta lasoo gaba gabeyay.

Axmed Xasan Yuusuf Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa sidookale  kula dar daarmay kormeerasha ilaalinaya qishka in ay si daacad ah waajibaadkooda u gutaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close