Wararka

Maxkamadda Darajada Koowaad ee cidamada oo xukun ku riday Nin lagu soo eedeeyay in uu dhac u gaysan jiray bulshada ku dhaqan degmada kaaraan.

Nin lagu soo eedeeyay in uu dhac u gaysan jiray bulshada ku dhaqan degmada kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya ayaa maanta la soo taagay maxkamad.

Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa Tobankeedii  bishii March ee Sanadkan Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay  qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah eedeysanaha ayaa iska diiwaan geliyay  galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaas oo ay Xafiiska xeer ilaalinta  horkeen Maxkamadda wixii intaa kadanbeeyayna Garsoorka Ciidamada  ayaa u diray xabsiga dhexe  si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Ugu danbayn Maxkamadda Ciidamada ayaa kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Edeysanaha ayaa waxaa u furan Racfaan haddii uusan ku qanacsaneen Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close