Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS oo kullan laqaatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax barre ayaa kulan kula qaatay magaalada muqdisho wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar Hamdi Loza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, kuwaas oo safar shaqo ku yimid dalka maalintii shalay aheed.

Kullanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada JFS, Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir), Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yusuf xasan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii dowlada masar ay kaalin mugleh ay ugu qaadan laheyd.

Wasiirka waxbarashada XFS, Cabdullahi Goodax Barre oo shirka ka hadlay ayaa sheegey in wasiir_xigeynka arimaha dibada dalka masar ay kawada hadleen iskaa shiga labada dal gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar Mudane Hamdi Loza iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, kadib markii maalintii shalay ay soo gareen dalka”.

Wasirka ayaa sidookle sheegay in wasiir ku xigeenka dalka masar uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa in labada Dowladood ay iska kaashadaan  hormarinta waxbarashada.

“Arrimaha aan ka wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga labada dalka gaar ahaan dhanka waxbarashada, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta waxbarashada” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Cabdillahi Goodax Barre.Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close