Wararka

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland oo ka warbixiyay kullan maanta ay yeesheen laamaha amniga ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Xarunta Wasaaradda Amniga Jubbaland ee magaalada Kismayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlaayay sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada guud ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxaana kasoo qayb galay wasiirka amniga,wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland,  Taliska qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka,Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland,   Taliyaha guud ee Ciidanka Jubbaland iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland.

Kullanka maanta ay yeesheen laamaha amniga ee Jubbaland waxa lagu gorfeeyay sidii loo dar-dar galin lahaa howlgalada laga wada gudaha Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku dhaw-dhaw.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen, oo markuu shirka soo dhamaaday la hadlay warbahinta ayaa sheegay in muhiimaddu shirku ahayd adkeynta amniga maadaama la gelayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close