Wararka
Golaha wasiirrada XFS oo maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho waxa ayna meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.
Muhiimada uu leeyahy sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamulo doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir geliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabtan leh kuna salaysan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.
Hindise Sharciyeedkaan oo ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbin doonaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan.
Shirka golaha wasiirrada oo khamiis kasta la qabta ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyadoo sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.