Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo gormeer kutagay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo gooba kale.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaradda maaliyadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka, xisaabiyaha guud iyo agaasimaha guud ee wasaardda, waxa uuna kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka hor-tebinta leh ee wasaaradda gaar ahaan halbeegyada wasaaraddu ay ku leedahay tubaha qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeer ku tegay Saldhigga booliika degmada Xamar Wayne waxa uuna war-bixinta amniga degmada ka dhagaystay taliyaha saldhigga, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ballaran ee ay booliisku bulshada u hayaan.

ugu dambayn Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay suuqa degmada Xamar wayne ee gobalka Banaadir, waxa uuna qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka usoo dukaamaysiga tegay ka waraystay xaaladda ganacsi iyo amni ee suuqa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close