Wararka

Wasiir Sidiiq Warfaa oo shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen agaasimayaasha hay’adaha dowladda.

shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha hay’adaha dowladda oo looga hadlay qorshaha dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud oo manta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sidiiq Xirsi Salaad (Warfaa).

wasiirka shaqada XFS ayaa sheegay in kulanka looga hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray barnaamijka is-xilqaan iyo sidoo kale qorshaha lagu laba jibbaarayo si looga mira dhaliyo loona gaaro hadafkii laga lahaa billaabidiisa.

Wasiir Sidiiq Warfaa ayaa faray dhammaan agaasimayaasha hay’adaha dawladda ee kulanka uu la qaatay in ay kaalinta uga aadan ka qaataan  ololaha is-xilqaan oo dhawaan la billaabayo heerkiisii 5-aad.

Barnaamijkan Is-xilqaann ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxwayne Maxamed Cabduullaahi Maxamed (farmaajo), waxaana ola jeedkiisa ahaa in lagu dhiso goobaha danta guud, xarumaha taariikhiga ah iyo wadooyinka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close