Wararka
Bari oo lafasaxay dhamaan shaqaalaha rayidka.
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay dhamaan shaqaalaha rayidka waxaana maalinta barito loo fasaxay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed.
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Warfaa yaa shaqaalaha rayidka u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalaha meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
“Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka oo barito ku began,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.