Wararka
magaalada muqdisho oo lagu soo gaba-gabeynayaa Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada.
Waxaa Maanta oo Talaado ah magaalada muqdisho lagu soo gaba-gabeynayaa Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay soo qaban-qaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirkaan maalgelinaayay Ururka Iskaashiga Islaamka.
Kulankaan waxaa shalay daah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaana ka soo qeybgalay 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka OIC, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shalay shirka ka hadlaayay ayaa khudbadiisa diiradda ku saarray dhex dhexaadnimada diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ee ka beermay nabadda iyo deganaanshaha. Waxaa sidoo kale kullankas ka hadlay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo sheegay in shir noocaan ah oo ku qabsooma Muqdisho ay tahay guul taariikheed oo dhiirrigelinaysa nabadda iyo wada noolashaha.
Shirkan oo maanta la soo gaba-gabeynayo ayaa laga soo saari doono Qodobo ku aadan Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada taas oo Soomaaliya iyo Gobolka intiisa kalaba muhiim u ah.