Wararka
Madaxweyne Deni” Puntland waxay diyar u tahay hadii ay wax khaldameen in ay saxdo”
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ay iskugu imaanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah DFS.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id oo uu qabtay ka hadlaayay ayaa sheegay in ay Puntland diyaar utahy hadii ay wax khaldameen in ay saxdo, wixii khaldamayna ay horay uga socoto.
“Puntland waxay diyar u tahay hadii ay wax khaldameen in ay saxdo, wixii khaldamayna ay horay uga socoto, waxaa aan rabnaa in la xisaabtamo door dheer ay yeesheen Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, iyo wada tashi la la-sameeyey madaxda sare ee dalka Madxaweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaa la isla gartay maadaama tabashooyin Puntland sida ay u qabto ay maamulada kale dalkuna u qabaan, haba kala duwaanadeen daruufaha iyo xaaladaha ay ku kala nool yihiin’
Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidookale sheegay xiliga uu qabsoomi doona shirkaa waxaa uu na sheegay in uu kulankaas ka dhici doona magaalada Garoowe, uuna qabsoomo bishan soo socoto May, 02, 2019.
Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey qaabka iyo qodobada looga wada hadli doono shirkaas wad-tashiga ah ee Puntland marti galin doonto waxaa uuna sheegay in shirkaas looga wadli doona qaabka madaxda Dowladda Federaalaka Soomaliya iyo Madaxda Dowladda xubanha ka ah DFS ay u wada shaqayn lahaayeen, in lagu xadido magaca uu qaadanayo habkaas lagu wada shaqaynayo oo uusan noqon kii hore oo la oran jiray “Golaha Amniga Qaranka” iyo sidii dib loogu eegi lahaa dastuurka Dalka.