Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo lakulmay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan layeeshay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Taliyeyaasha Ciidanka Ammaanka, Guddoomiye ku xigeennada Gobolka, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha isagoo  ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga iyo dariseynta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada degmooyinka, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close