Wararka

Militariga dalka Suudaan oo hishiis lagaaray mucaaradka dalkaas.

Ciidamada milatariga ee talada dalka Suudaan haya ayaa hishiis lagaaray mucaaradka dalkaas si loo yagleelo guddi cusub oo sii shaqeeyo inta doorasha cusub lagagaarayo dalkaas.

Hishiiskaas ayaa lagaaray sabtidii shalay kol ay guddiga kumeelgaarka ee malitariga dalka Suudaan  shir layesheen xumnaha mucaaradka dalkaas.

Sida ay ku soo waramayso shabakada wararka ee Al Jazeera waxaa jiraa isfahanwaa kadhaxjira labada dhinac. Xubnaha militariga ayaa raba in uu guddigaan ka koobnaada 10 xubbin, seedex ayaga kamida in ay ka imadaan shacabka, toddobada kalana dhinaca malitariga halka mucaaradka uu rabbo in uu guddiga ka koobnaada 15xubbin, seddeed(8) ayaga kamida ay noqdaan shacab, toddobada kalana ay noqdaan militariga.

Shirkaan ayaa imaanayo xilli midowga Africa guddiga kumeel gaarka ah ee militariga dalka Suudaan ay siiyeen seddex bilood si ay xukuumada ugu wareejiyaan gacanta shacabka.balse waxaa dhagaha ka cufeeystay hogaamiyaasha dibadbaxyada dalka Suudaan kuwaas oo sii waday dibadbaxyadoodi.

Hogaamiyaha xisbiga National Umma Party, Sadiq al-Mahdi oo kahadlaayay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Khartoum ayaa yiri “ suudaan uma baahna amarka midowga Africa”

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close