Wararka
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulankii 2aad layeeshay Hey’adda lacagta aduunka ee IMF.
Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka I toobiya waxaa maalintii labaad ka socda Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay war qoraal ah, isagoo sheegay in IMF ay ku qanacday dhamaan sidii Dowladda ay uga soo baxday shuruudihii SMP3.
“Waxaa maalinkii 2aad inoo socda shirka dib u eegista Barnaamijka sadexaad ee Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3) ee aan la leenahay Hey’adda lacagta aduunka ee IMF”.ayuu yiri Wasiir Bayle.
Wasiirka ayaa rajo wanaag ka muujiyay in uu guul kusoo dhamaan doona kulanka kaas oo maalintii labaad ka socda Magaalada Adis Ababa.