Wararka

Qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka ee kusugan  dalka Kenya oo la Kulmay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya.

Qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka ee kusugan caasimada dalka Kenya ee Nairobi  oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.

Ugu dambeyn, madaxwaynayaasha ayaa  dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay ka helaan iyagoo  soo dhaweeyey kulanka ay la yeesheen Ambassador Donald Yamamoto.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close