Wararka
Madaxwaynaha Shiinaha oo manta magaalada Beijing ka daahfuray Shirka Iskaashiga Caalamiga ee dhanka Kaabayasha Dhaqaalaha.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa manta magaalada Caasimada Beijing ka daahfuray Shir madaxeed ku saabsan ‘Iskaashiga Caalamiga ah ee dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.
Shirkaan waxaa uu socondonaa mudda 3-beri ah waxaana ka soo qaybgalay 37 dal, wakiilo ka kale socda 150 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, ururo caalami ah, waxaana kamida Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters iyo madaxa Sanduuqa lacagta, Christine Legarda iyo madax uu kamid yahay Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Puttin.
Dowlada Soomaliya shirka waxa uga qayb-galaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Mareye iyo Wasiirka Qorsheynta, Jamal Maxamedd Xasan.
Dowlada Shiinaha oo ahmiyad gaar ah siinayso Qaarada Africa, ayaa waxaa ay gobalka ka wadaa mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan (Belt and Road Initiatives).
Madaxda Qaarada Africa ugu qaybgashay shirkaan waxaa kamida Madaxweynaha Djibuuti Ismaciil Cumar Geele, Ra’isul- wasaraha Itobiya Abi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo uu wehliyey, hogaamiyihii hore ee mucaaradka waddankaasi Railo Odinga.
Madaxweyne Xi ayaa sheegay in barnaamijkan uu ujeedkiisu yahay isku-xirka dadyawga, iyo dawladaha, kuna dhisan iskaashi la taaban karo oo ay dhinacyadu kawada faa’ideysanayaan lehna halbeeg caalami ah(International Stardard).
“Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay inuu dhiso ganacsiga, kaabayasha dhaqalaha kaasi oo albaab u furaya koriimaha dhaqaalaha adduunka, wuxuu sidoo kale sare uu u qaadaya is-dhaafsiga dhaqanka,cilmiga, tiknolajiyada iyo cilmi-baaris si wadajir ah loo wada sameeyo”, Jinping ayaa sidaa ka yiri shirka.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday 5000 oo ruux oo dalalka barnamijkan ka jira in ay ka caawinayaan tababaro iyo cilmi baaris shanta sano ee soo aadan.
Shirkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah, Madaxweynaha Xi ayaana ku dhawaaqay hindisaha ‘ Belt and Road’ sannadkii 2013 waxaa uuna ku saabsanyahay dhismaha waddooyin, boondooyin isku xiro jaziirado kala go’an ama isku xirka deegaano kala go’an iyo khad tareen oo dheeraya kuwaas oo qaar dalal ama qaarado isku gooshaya, iyo biyo xireeno dhaliya koronto,waxaana ay aad wax uga bedeleen nolosha dadka.
Ugu danbayn Hogaamiye-yaasha adduunka ee madasha ka hadlay oo dhan ayaa soo dhaweeyey Khudbada madaxweynaha Shiinaha iyo kaalinta Shiinaha ee ku aadan in barnamijkan uu wax ku ool uu u yahay nolosha aadanaha iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha adduunka.