Wararka
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Nairobi Kula Shiray Guddiga Deeq Bixiyaasha Doorashooyinka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqradiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhaban cad iyo masuuliyiin kala ayaa shir layeeshay Guddiga Deeq Bixiyaasha Doorashooyinka Soomaaliya.
Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Nairobi ee casimada dalka Kenya ayaa waxaa goobjoog ka aha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf waxana ka soo qaybgalay dalalka Sweden, Norway, UK, Finland, Germany, iyo EU, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Ururo iyo Hay’addo caalmi ah sida Interpeace, SAHAN, USAID iyo SIDRA Institute.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhaban cad ayaa ka warbixiyey qorshaha doorashooyin Puntland iyo talaabooyinka la qaadayo si loo dadajiyo arrimaha doorshooyinka ee hannaanka xisbiyada badan, loona suurta geliyo doorasho hal cod iyo hal qof ah.
Waxaa dhankooda kulanka ka hadlay Guddiga Deeq bixiyaasha ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayagoo soo dhoweeyey shirkan waxaa ayna sheegeen in ay garab istaagan yihiin Puntland oo ay gacan ka siini doonaan sidii ay ugu gudbi lahayd hanaanka doorasho ee xisbiyada badan.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqradiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xusay in Wasaaraddiisu ay diyaar gorow balaadhan ugu jirto hannaanka doorsho ee hal qof iyo hal cod, isla markaana doorshooyinkaas lagu tijaabinayo goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland.