Wararka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway oo hishiis wada saxiixday.
Mas’uuliyiin ka kala socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway ayaa wada hadallo laba geesood ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana diiradda lagu saarray wax wadaag joogta noqonaya, saaxiibtinimada iyo iyo ka guul keenidda dano is dhaafsiga.
Dowlada Norway ayaa gacan ka geysanaysa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo tubaha Xukuumadda ee kobcinta dhaqaallaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada, ammaanka iyo garsoorka.
Wafdiga Soomaaliya waxaa madax u ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi oo ay ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
Dhanka Wafdiga Dowladda Norway waxaa hoggaaminaysay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gobolka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Marwo Tine Mørch Smith oo ay ku wehliyeen Safiiradda Norway ee Soomaaliya Marwo Elin Bergithe Rognlie iyo saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Safaaradda Norway ee Soomaaliya.