Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka Japan oo afar dal oo reer Yurub ah garab waydiistay.
Ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa codsi u dirsaday afar kamida dowladaha ka dhisan Bartamaha Yurub isagoo waydistay in ay ka cawiyaan khilaaf in badan ka dhaxjiray dalalka Japan iyo Kuuriyada Waqooyi oo ku aadan afduub ay dowlada Kuuriyada Waqooyi u gaysatay muwaadiniin reer japaan ah.
Japan ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooye ay ka afduubatay ugu yaraan 17 muwaadiniin reer Japaan ah sanadii 1970-kii ilaa 1980-kii balse xukuumada Pyongyang ayaa qiratay in ay afuud ugu haysata 13 ayaga kamida.
Ra’iisal wasaare Shinzo Abe aya lakulmay ra’iisal wasaarrayaasha dalalka Slovakia, Czech Republic iyo Poland waxaa kala oo uu lakulmay wasiirka maaliyada dowlada Hungary isagoona dhamaan mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay arintaa khilaafka muda dheer qaatay ah.