Wararka
Cidaamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay xubin sare oo ka tirsan al-shabaab.
howlgal ballaaran oo ay ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho,ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen xubin sare oo Amniyaatka Alshabaab ah kaa oo ku sugnaa degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu faah fahiyay howlgalkaasi lagu soo qabtay ruuxaasi ka tirsanaa Alshabaab.
Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaysta.sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA
Dhanka kale Hay’adda NISA ayaa qoraalka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidan uu soo gaaray magaalada Muqdisho, ee caasimaadad Soomaaliya,kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanaa Alshabaab.
“Waxaa Muqdisho soo gaaray Aadan Coobe, oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay nabadsugidda Qaranka.