Wararka
Kooxda Islaamiga ah ee ISIS oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday dalka Sri Lanka.
Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday kaniisadihii iyo hoteeladii ku yaalay dalka Sri Lanka kuwaas oo lagu dilay in kabadan 300 oo ruux halka 500 oo ruuxna lagu dhawacay weerarka.
Kooxdaan ayaa bayaan ay manta soo saareen oo ku qornaa Afka carabiga kaas oo lagu daabacay shabkad wararka u faafisa oo layirahda Amaq news agency ayaa lagu sheegay in ay weeraryahanada ay kamid yihiin kooxda ISIS.
Dowlada Sri Lankan ayaa ku edeeysay weerarkaan in ay ka danbeyeen koox Muslimiin ah oo ku yar dalkaas oo lagu magacaabo National Thowfeek Jamaath.