Wararka
Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxay dalka Masar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.
Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiriir wanaagsan laleh dowlada Suudaan ayaa rabta in ay kamid noqota dowladaha raba in xalada Suudaan nabad lagu soo dabaasha.
Madaxwayne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay wadanka Masar shir gooni-gooni ah la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.