Wararka
Nin ugu taajirsan dalka Denmark oo seddex caruur ah oo uu dhalay ku waayay weererkii Sri Lanka.
Ganacsade ugu taajirsan dalka Denmark oo layiraahda Anders Holch Povlsen iyo xaaskiisa ayaa weerarkii axaddii lasodhafay lagu qaaday Sri Lanka kuwaayay seddex kamida afar caruur oo ay dhaleen sida uu sheegay nin u hadlay reerka Povlsen isniinta maanta.
Afhayeenka oo u hadlay reerka ayaan xog dheeraad ah bixin balse warbaahinta Denmark ayaa xustay in qoyska ay meesha u joogeen fasax.
Qaraxya isxig-xigay oo kadhacay kaniisada iyo hoteelo raaxa oo kuyaala Sri Lanka ayaa qasaaraha waxaa uu marayaa 290 qof oo dimasha ah halka 500 qof oo kalena ay ku dhawacmeen.
Dowlada Sri Lanka ayaa lasheegay in ay ka warhaysay digniina ku adan weerarkii ka dhacay dalkaas kaa oo khasaara ba’an gaystay.
Wadarta guud ee dadka ku nool dalkaas ayaa lasheegay in ay dhanyihiin 22 million, 70 boqolkiiba dadkaa waa Buddhist, 12.6 boqolkiiba waa Hindu, 9.7 boqolkiiba waa muslim halka 7.6 boqolkiiba ay yihiin Christian, sida lagu sheegay tirakoob laga qaaday dalkaas sanadkii 2012.
Bilihii febraayo iyo maarso ee sanadkii tagay ayaa waxaa jiray isku dhacyo diineed oo u dhaxeeya muslimiinta iyo Buddhists-kuwaas oo isku hardinaayay magalooyinka Ampara iyo Kandy.