Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo dhagax dhigay Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirxamaan Ducaael Beyle ayaa dhagax dhigay Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda  isagoo  balan qaaday inay xoojinaynayaan hufnaan Maaliyada  waxa una u mahad celiyay Bangiga aduunka oo Dismaha xarunata Sadaxaad ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  gacan ka gaysanaayo.

” Waxaa farxad inoo ah inaan dhagax dhigno daartii sadaxaad ee wasaaradda maaliyadda waxaan dhawaan xarig ka jarnay daartii labaad oo ay naga taageertay dowladda Sweden oo aan dhawaan u soo guureyno, tan aan maanta dhagax dhigayno oo dhawaan la bilaabayo waxaana naga taageeraya dhismaheeda Bangiga Aduunka waan u mahad celinaynaa, waxaan balan qaadaynaa in shilin walba sidii loogu talagalay uu ku  baxo” ayuu yirii wasiir Beyle.

Wasiirka maaliyadda ayaa tlmaamay in uu  dalku sameynayo hormar dhinac dhismaha xarumaha muhiimka u ah adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhismaha Xaruntaan sadaxaad ee wasaaradda Maaliyada Soomaaliya ayaa la mataanaha xarunta labaad ee wasaaradda oo dhismhaheeda xariga laga jaray bishii November ee sanadkii tagay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close