Wararka
Weerar lagu qaaday wasaaradda warfaafinta ee Afgaanistaan.
Rag hubaysan ayaa waxa ay weerrareen wasaaradda warfaafinta ee Afgaanistaan ee ku taal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha.
Weerarkan ayaa ku bilowday qraaxyo waxaana xigtay rasaas toos ah oo ay ridayeen kooxdii weerark soo qaaday.
Ila wareed ka tirsan wasaaradda ayaa sheegay in saddex qof ay weerrarka soo qaadeen, iyadoo mid ka mid ahna uu gudaha u galay dhismaha.
Ilaa iyo haatan cid sheegatay weerrarkaasi ma ay jirto, hasayeeshee waxa uu imanayaa maalin un kaddib markii la hakiyay wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo ururka Taalibaan.
Weerrarka ayaa ka dhacay aag mashquul badan oo ku yaal bartamaha magaalada Kabul, halkaas oo ka ag dhaw hoteellada ugu caansan, dhowr wasaaradood iyo qasriga madaxtooyada.
Qof kale oo ka mid ah dadka weerrarka soo qaaday ayaa isku qarxiyay goobta halka midkii saddexaad ay booliska toogteen
Boqolaal qof oo rayid ah ayaa waxaa laga daadgureeyay dhismaha, masuuliyiinta wasaaradda ayaa sidaasi sheegay.