Wararka
shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo muqdisha ka dhacay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka iyo Hirgelinta Dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo looga dooday dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Ujeedada shirka ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiir Arrimaha Dastuurka ayaa shirka furay waxuuna sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta Gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso.
Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurka lagu dhameesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan.
“Waxaa iga go’an in aan si dhow idiin la shaqeeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhameeystirno dastuurka, ogaada dastuurka aan iminka ka shaqeeyneyno waa uu ka durugsanyahay sanadka 2020ka; waa inaa ka dhignaa mid qarniyada soo socda sii jira” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku hishiiyay shir kale oo ay uga xaajoniyaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka.