Wararka
Madaxweynaha Dalka Maxamed C/laahi Farmaajo oo booqasho lama filaan ah ku tagay deegaanada dhawaan laga qabsaday Alshabaab.
Madaxweynaha Dalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee ku yaalaa G/Sh/Hoose kuwaa oo dhawaan laga Saara Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhufesyada ciidamada ee deeganada waxa uuna sheegay in howlagalada ka dhanka ah Alshbaab ee ay Ciidamada qalabka sida ay ka wadaan gobalada dalka ay sii socon doonaan tan iyo inta taako ka mid ah dalka ay shabaab ka joogan.
Taliyaha Ciidanka Xooga S/gaas Aadan Cilmi Indha Qarsho oo madaxweynaha socdaalka Ku wehlinaayay ayaa sheegay in aysan dhici doonin in ciidamada ay baneeyaan goobaha ay la wareegaaan.
Madaxweynaha oo dhankiis ala hadlay ciidamada uu booqday ayaa ku booray in a halkodi kasii wadaan howlgalada ay ku jiraaan isagoona kula dar daarmay in aysan marna baneynin goob ay la wareegeen.
“Shabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.”