Wararka
Kumanaan dibadbaxyaal ah oo maanta isugu soo baxay waddooyinka casimada Algeria.
Kumanaan dibadbaxyaal ah ayaa waddooyinka Algeria dib ugu soo laabtay jimcihii maanta, waxayna dalbanaayeen isbedel dimoqaraadiyad oo dhamaystiran iyadoo la’ogyahay in madaxwaynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika uu galaaftay banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka dalka Algeria.
Dibadbaxyada ayaa ku dhawaaqaayay “waxaan sameynaynaa waxaan rabna” sida uu ku soo waramaayo goobjooga ku sugan dalkaas oo u waramay shabkada wararka ee Reuters.
Baarlamaanka dalkas ayaa madaxwayna ku-meel gaar ah u magacaabay Abdelkader Bensalah oo ah Madaxa aqalka sare ee baarlamaanka dalka Algeria balse tan ayaan waxba ka badalin dibadbaxyadii ka socday dalkaas oo looga soo horjeeday xukuumaddii uu hoggaaminaayay madaxwaynihii xilka laga xayuubay ee Bouteflika kaas oo waddankaas xukumaayay tan iyo markeey xurnimada ka qateen dalka France sanadii 1962.
guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Algeria, Tayib Belaiz ayaa isbuucaan iscasilay taas oo sii wiiqi karta xukunka xumnaha ku harsan dowladii uu ka arrimin kiray madaxwaynihii hore ee dalkaas Algeria.
Taliyaha cidamada qalabka sida ee dalka Algeria Janaraal Ahmed Gaed Salah oo Talaadadii warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in cidamada ay tixgalinayaan dhamaan nooc kasta oo xal lagu gaari karo dibaatada siyaasadeed ee haysata dalkaas waxuuna kutaliyay in manka lagu haayo in uu waqtiga socda.