Wararka
Lamaana lagu maxkamadeeyay 25 sanno.
Koonfurta California waxaa lagu maxkamadeeyay laba(2) lamaana ah, ku waaas oo xadgudub u geystay 13 caruur ay dhaleen.
David Turpin, oo 57 sanno jir ah iyo xaaskiisa Louise Turpin, oo ayna 50 jir ah ayaa qirtay danbiga ah in ay jirdileen oo ay ku xadgudbeen caruurtaa, waxaana lagu xukumay 25 sanno oo xabsi ah.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in dhibanayaasha loo diidey nafaqo habboon, nadaafad aasaasi ah iyo daryeel caafimaad waxaana loo ciqaabay si adag iyadoo waqtiga looga lumen jiray in ay waxbadan dhaqaan gacmahooda qaybta sacabada.
Waalidiinta David Turpin oo ku nool galbeedka Virginia, ayaa sheegay wilkooda iyo gabadha ay sodohda u yihiin in ay aha yeen lamaane diineed oo caruurtooda wax ku barijiray guriga dhaxdiisa waxayna rabeen in ay caruurtooda xifdiyaan Bible-ka.
Caruurtaan oo da’doodu u dhaxayso 3 ilaa 30 sano, ayaa hadda lagu hayaa xarun caruurta iyo dadka da’da ah lagu xanaaneyo.