Wararka
Dib u dhac ku yimid shirka Golaha Amniga qaranka.
Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirka Golaha Amniga qaranka oo maanta lagu balansanaa in uu ka furmo Muqdisho, shirka waxaa isugu yimaada madaxda dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19-bisha April ayuu aha inuu furmo shirkan oo lagu faaqido xaalada Amni ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shirka kaas oo socon lahaa 5-maalmood oo ka bilaaban laheyd maanta oo ay taariikhdu tahay 19-ka bishan April sida uu bogiisa twitterka ku qoray la taliyaha dhinaca Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.
Hase ahaatee dib u dhacaan ayaan la ogeyn waxa sababay in uu baaqdo shirka amniga golaha qaranka, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada ay ka maqan yihiin dalka.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ku sugan magaalada Abu dubai e dalka Isu taga Imaaraatka,halka madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug ay ku wada sugan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
4-bishii June ee sanadkii 2018 ayuu magaalada Baydhabo ka qabsoomay shirka golaha Amniga oo looga hadlay arrimaha Amniga guud ee dalka ,hanaanka dooroshooyinka 2020 ,tayeynta iyo isku dhafka ciidamada waxaana intaas ka dib aanan jirin shir looga hadlay Amniga oo ay isugu yimaadeen madaxda faderaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada Faderaalka Soomaaliya oo ku aadan dib u dhaca ku yimid shirka golaha Amniga qaranka.