Wararka

Wasiirka maaliyada XFS oo dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka maaliyada XFS Abdirahman Dualeh Beileh ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqa oo uu dalka ugu maqnaa.

Wasiir Beileh ayaa kamid ahaa wafuud malmihii ugu danbeysay ku sugnaa dalka Maraykanka kuwaas  oo kulama kala duwan layeshay madax sare oo katirsan aqalka cad ee Maraykanka  iyo ha’adda caalami ah oo ka howlgala dalka.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu wasiiirka ku yiri “Si nabad ah ayaan Dalka dib ugu soo laabtay kadib shirar  guulo ku soo dhamaaday oo aan la soo qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF)”.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ledahay mustaqbal wanagsan oo horseedi kara  in ay Soomaaliya noqota dhul burwaaqo.“Waxaa inoo muuqda mustaqbal ifaya, oo noo horseedaya inaan gaarno isku filnaasho iyo Barwaaqo”ayuu ku yiri wasiir Beileh bartiisa Facebook-ga.

Ugu danbayn wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in ay isku duubni mujiyaan oo ay wada shaqeyaan si horumar loo gaaro.Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, aeroplane, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close