Wararka

Wasiir Cawad oo hishiis lagaaray dhiggiisa Masar Sameh Shoukry.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Sameh Shoukry.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Ugu danbayn labada dhinac ayaa iskun afgartay kulanka waxa ayna qalinka  ku duugeen seddex heshiis oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close