Wararka
Isku soo bax roob doon oo ka dhacay Kismaayo.
Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland ayaaa waxaa maanta lagu qabtay isku soo bax roob doon iyadoo malmahaan deganada Soomaalida dagta ay ka socdeen roob doonadaan.
Waxaa banaanbaxayada maanta ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labad ee dowlad goboleedka Jubbaland,guddoomiyaha Baarlamaanka golayaasha Jubbaland iyo boqolaal Shacab ah. isku soo baxaan ayaa ku saabsanaa roob doon Alle lagu weydiisanayo in shacabka Soomaaliyeed ugu deeqo Raxmadiisa.
Ugu danbeyntii Salaadii Roob doonka, ayaa lagu tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo. Waxgaradka iyo Culumada ku dhaqan kismaayo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Alle loo noqdo oo laga toobad keeno dambiyada.