Wararka

AFRICOM oo shaacisay in ay dileen sarkaal ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ka warbixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka gaysteen deegaano ka tirsan gobolka Bari waxaa ayna sheegen in ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

War Qoraal oo ka soo baxay  Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in 14-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ay la beegsadeen gaari  uu sarnaa hoggaamiye kuxigeenkii labaad ee Daacish-ta Soomaaliya Cabdi Xakiin Dhoqob oo ay ku dileen isagoo maraayo deegaanka Xiriiro ee Gobolka Bari.

Mareykanka ayaa ku sheegay Cabdi Xakiin in uu ahaa Sarkaalka Daacish ee  soo abaabula weerarada ka dhaca deegaanada Puntland, waxaa kala oo a sheegen in uu ka qeyb qaadan jiray xaalufinta waxyaabaha Kheyraadka ah ee laga helo deegaanada Puntland sida ay  hadalka u dhigeen.

“Waxaan sii wadeynaa taageerada aan siino Soomaaliya ee dhinacyada Ammaanka,Dhaqaalaha iyo horumarinta,waxaana kordhineynaa weerarada aan la beegsano Xarumaha Kooxda Daacish si ay u yaraato awoodooda,waxana bartilmaamedsan doonaa kuwa fuliya weerarada xagjirnimada ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka Mareykanka u qaabilsan Qaarada Afrika Gen. Gregg Olson.

Mareykanka ayaa kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo Soomaaliya,kuwaas oo uu la beegsado Xarumaha Al-Shabaab iyo kooxda Daacish,waxaana todobaadyo ka hor Madaxweynaha Mareykanka uu saxiixay mudo kordhin loo sameynayo Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalla Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close