Wararka
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Kulan La Qaatay Madaxda Shirkadda DP-World.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeesh madaxda shirkadda DP-World oo uu horseed u aha maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem.
waxaa kulanka madaxwayene Dini ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Waxaay labada dhinac kulanka ugu wada hadleen dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani.
Madaxweynaha Puntland ayaa shegay in Xukuumadiisa cusub ay samayndoonto jewi sahlaya in deegaanada Puntland u diyaarsanaadaan maalgashi caalami ah, kuwaasi oo taageeraya sugidda Amniga iyo horumarinta deegaanada Puntland.
Shirkadda DP-World ayaa sheegtay in ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas balaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka ganacsi waxaa ayna balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la yeshay kulamo gaar ah masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kulankaas oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kale la qaatay Wasaaradda Ganacsiga dalka Imaaraadka, iyadoo laga wadahadlay dib u yagleelidda ganacsiga xoolaha nool, waxayna isku raaceen in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu bilaabo dhoofka xoolaha.