Wararka
Dowlada Soomaaliya oo ku fariisatay Kursiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Midowga Afrika (African Union).
Soomaaliya ayaa ku guuleysatay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Midowga Afrika (African Union) ee dhinanaca kaabayaasha dhaqaalaha sida Tamarta,Biyaha,Gaadiidka ,Farsamada Macluumaadka iyo Isgaarsiinta,waxaana kursigaas kula tartamayay dowladda Kenya.
Dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan taageeridda ku guuleysiga Kursiga ay Soomaaliya kaga guuleysatay dhigeeda Kenya.
Wadamada la isku yiraahdo Bariga Afrika (Eastern African) waxey ka kooban yihiin 13 dal waxayna xaq u leeyihiin in ay hal kursi oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ku mataalaan Midowga Afrika (African Union) dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.
Kursigaas waxaa ku fadhiyay dowladda Itoobiya oo muddo xileedkeedii dhameysatey,waxaana la soo bandhigey cidda mataleysa wadamada Bariga Afrika,dalal badan oo isku soo sharaxey ka dib waxaa ugu dambeyntii isku soo harey Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Kenya ayaa codsatay 30 daqiiqo ka hor inta aan codka loo qaadin si ay u wada hadlaan Soomaaliya taas oo ugu dambeyntii keentay in ay ku heshiin waayaan.
Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa noqotey hormuudka wadamada Eastern Afrika isla markaana ah gudoomiya ku xigeenka labaad ee African Union dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.